Add parallel Print Page Options

Farriin Ku Saabsan Masar

46 Kanu waa Eraygii Rabbiga oo Nebi Yeremyaah u yimid ee quruumaha ku saabsanaa. Wuxuu ka hadlay Masar, iyo Fircoon Nekoo oo ahaa boqorkii Masar ciidankiisii, kaasoo joogay Karkemiish Webi Yufraad agtiisa, oo uu Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon wax ku dhuftay sannaddii afraad ee Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqorkii dalka Yahuudah ahaa.

Gaashaanka yar iyo kan weynba diyaariya oo dagaalka u soo dhowaada. Fardoleydoy, fardaha heenseeya oo fuula, oo isa soo safa idinkoo koofiyadihiinna dagaalka qaba, oo warmaha afaysta, oo waxaad soo xidhataan dharka birta ah. Bal maxaan u arkay? Way nexeen oo dib bay u sii noqdeen, oo kuwoodii xoogga badnaa waa la wada dilay, oo degdeg bay u carareen, dibna uma ay soo jeesan, waayo, cabsi baa dhinac kasta kaga hareeraysnayd, ayaa Rabbigu leeyahay. Kan dheereeyaa yuusan cararin, oo kan xoogga badanuna yuusan baxsan. Xagga woqooyi iyo Webi Yufraad agtiisa ayay ku turunturoodeen, wayna ku dheceen. Yuu yahay kan u soo kaca sida Webi Niil, oo biyihiisu ay sida webiyaasha u rogrogmadaan? Dalka Masar ayaa u kaca sida Webi Niil, oo biyihiisuna way u rogrogmadaan sida webiyaasha oo kale, oo wuxuu leeyahay, Anigu waan kacayaa, oo dhulkaan dabooli doonaa, waanan baabbi'in doonaa magaalada iyo dadka dhex degganba. Fardahow, kaca, oo gaadhifardoodyadow, yaaca. Ragga xoogga badanuna ha bexeen, kuwaasoo ah reer Kuush iyo kuwa reer Fuud oo gaashaanka gacanta ku haya, iyo kuwa reer Luud oo qaansada xoodi yaqaan. 10 Waayo, taasu waa maalintii Sayidka ah Rabbiga ciidammada, waana maalin aarsasho, oo uu cadaawayaashiisa ka aarsan doono. Seeftuna way wada baabbi'in doontaa, wayna ka dhergi doontaa, oo dhiiggooday ku sakhraami doontaa, waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu qurbaan ku samaynayaa dalka woqooyi Webi Yufraad agtiisa. 11 Dadka Masar ee sida bikrad oo kale ahow, waxaad tagtaa Gilecaad, oo beeyo dawo ah soo qaado. Waxtarla'aan baad dawooyin badan u qaadataa, illowse bogsiini kuuma jirto. 12 Quruumuhu waxay maqleen ceebtaada, oo qayladaaduna waxay ka buuxsantay dalka oo dhan, waayo, kuwii xoogga badnaa ayaa midba kan kale ku turunturooday, oo labadoodiiba way wada dheceen.

13 Kanu waa eraygii Rabbigu uu kula hadlay Nebi Yeremyaah, oo ku saabsanaa sida Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ahu uu u iman doono, oo uu dalka Masar wax ugu dhufan doono.

14 Masar ka dhex sheega, oo Migdol ka dhex naadiya, oo weliba ka dhex naadiya Nof iyo Taxfanxeesba, oo waxaad tidhaahdaan, Istaag oo isdiyaari, waayo, intii kugu wareegsanayd oo dhan seef baa baabbi'isay. 15 Kuwaagii xoogga badnaa bal maxaa loo kala xaaqay? Iyagu ma ay istaagin, waayo, Rabbiga ayaa riday. 16 Kuwa badan ayuu turuntureeyey, oo midba midka kaluu ku dhacay. Oo waxay isku yidhaahdeen, Kaca oo ina keena, aynu dadkeennii iyo dalkii aynu ku dhalannay u tagnee, oo aynu seefta ina dulmaysa ka cararnee. 17 Waxay halkaas kaga qayliyeen, Fircoon oo ah boqorka Masar waa sanqadh keliya, wakhtigiina wuu dhaafiyey. 18 Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye. Sida xaqiiqada ah isagu wuxuu u iman doonaa sida Taaboor oo buuraha ku dhex taal, iyo sida Karmel oo badda u dhow. 19 Dadka Masar degganow, in maxaabiis ahaan laguu kaxaysto u alaab ururso, waayo, Nof waxay noqon doontaa meel cidla iyo baabba' ah oo aan ciduna degganayn. 20 Masar waa qaalin lo'aad oo qurxoon, laakiinse halligaad baa xagga woqooyi uga timid, wayna gaadhay. 21 Oo weliba raggiisa la soo kiraystay oo isaga dhex joogaana waa sida weylo cayilay, waayo, dib bay u noqdeen, oo dhammaantood way isla wada carareen, oo innaba ma ay joogsan, waayo, waxaa soo gaadhay maalintii masiibadooda iyo wakhtigii ciqaabiddooda. 22 Sanqadhiisu waa sida abeeso sii gurguuranaysa, waayo, iyagu ciidan bay kula soo socon doonaan, oo faasas bay kula soo duuli doonaan sida kuwa qoryo jaraya. 23 Rabbigu wuxuu leeyahay, In kastoo aan la dhex baadhi karin, kayntiisa waa la wada jari doonaa, maxaa yeelay, iyagu ayaxa way ka fara badan yihiin, oo waa wax aan la tirin karin. 24 Dadka Masar way ceeboobi doonaan, waayo, waxaa lagu ridi doonaa gacanta dadka woqooyi. 25 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waan wada ciqaabi doonaa Aamoon oo ah ilaaha Noo, iyo Fircoon, iyo Masar, iyo ilaahyadiisa, iyo boqorradiisa, iyo xataa Fircoon iyo kuwa isaga isku halleeyaba. 26 Oo waxaan ku ridi doonaa gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta addoommadiisa, oo markaas dabadeedna waa loo degi doonaa sidii waayihii hore, ayaa Rabbigu leeyahay. 27 Laakiinse, addoonkayga reer Yacquubow, ha cabsan, hana nixin, reer binu Israa'iilow, waayo, bal eeg, meel fog baan kaa badbaadin doonaa, oo farcankaagana waxaan ka badbaadin doonaa dalka ay maxaabiista ku yihiin, oo reer Yacquub wuu soo noqon doonaa oo wuu iska xasilloonaan doonaa oo iska istareexi doonaa, oo ciduna ma cabsiin doonto innaba. 28 Rabbigu wuxuu leeyahay, Addoonkayga reer Yacquubow, innaba ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo quruumihii aan ku kala kexeeyey oo dhanna waan wada baabbi'in doonaa, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.

A Message About Egypt

46 This is the word of the Lord that came to Jeremiah the prophet concerning the nations:(A)

Concerning Egypt:(B)

This is the message against the army of Pharaoh Necho(C) king of Egypt, which was defeated at Carchemish(D) on the Euphrates(E) River by Nebuchadnezzar king of Babylon in the fourth year of Jehoiakim(F) son of Josiah king of Judah:

“Prepare your shields,(G) both large and small,
    and march out for battle!
Harness the horses,
    mount the steeds!
Take your positions
    with helmets on!
Polish(H) your spears,
    put on your armor!(I)
What do I see?
    They are terrified,
they are retreating,
    their warriors are defeated.
They flee(J) in haste
    without looking back,
    and there is terror(K) on every side,”
declares the Lord.
“The swift cannot flee(L)
    nor the strong escape.
In the north by the River Euphrates(M)
    they stumble and fall.(N)

“Who is this that rises like the Nile,
    like rivers of surging waters?(O)
Egypt rises like the Nile,(P)
    like rivers of surging waters.
She says, ‘I will rise and cover the earth;
    I will destroy cities and their people.’(Q)
Charge, you horses!
    Drive furiously, you charioteers!(R)
March on, you warriors—men of Cush[a](S) and Put who carry shields,
    men of Lydia(T) who draw the bow.
10 But that day(U) belongs to the Lord, the Lord Almighty—
    a day of vengeance(V), for vengeance on his foes.
The sword will devour(W) till it is satisfied,
    till it has quenched its thirst with blood.(X)
For the Lord, the Lord Almighty, will offer sacrifice(Y)
    in the land of the north by the River Euphrates.(Z)

11 “Go up to Gilead and get balm,(AA)
    Virgin(AB) Daughter Egypt.
But you try many medicines in vain;
    there is no healing(AC) for you.
12 The nations will hear of your shame;
    your cries will fill the earth.
One warrior will stumble over another;
    both will fall(AD) down together.”

13 This is the message the Lord spoke to Jeremiah the prophet about the coming of Nebuchadnezzar king of Babylon(AE) to attack Egypt:(AF)

14 “Announce this in Egypt, and proclaim it in Migdol;
    proclaim it also in Memphis(AG) and Tahpanhes:(AH)
‘Take your positions and get ready,
    for the sword devours(AI) those around you.’
15 Why will your warriors be laid low?
    They cannot stand, for the Lord will push them down.(AJ)
16 They will stumble(AK) repeatedly;
    they will fall(AL) over each other.
They will say, ‘Get up, let us go back
    to our own people(AM) and our native lands,
    away from the sword of the oppressor.’(AN)
17 There they will exclaim,
    ‘Pharaoh king of Egypt is only a loud noise;(AO)
    he has missed his opportunity.(AP)

18 “As surely as I live,” declares the King,(AQ)
    whose name is the Lord Almighty,
“one will come who is like Tabor(AR) among the mountains,
    like Carmel(AS) by the sea.
19 Pack your belongings for exile,(AT)
    you who live in Egypt,
for Memphis(AU) will be laid waste(AV)
    and lie in ruins without inhabitant.

20 “Egypt is a beautiful heifer,
    but a gadfly is coming
    against her from the north.(AW)
21 The mercenaries(AX) in her ranks
    are like fattened calves.(AY)
They too will turn and flee(AZ) together,
    they will not stand their ground,
for the day(BA) of disaster is coming upon them,
    the time(BB) for them to be punished.
22 Egypt will hiss like a fleeing serpent
    as the enemy advances in force;
they will come against her with axes,
    like men who cut down trees.(BC)
23 They will chop down her forest,”
declares the Lord,
    “dense though it be.
They are more numerous than locusts,(BD)
    they cannot be counted.
24 Daughter Egypt will be put to shame,
    given into the hands of the people of the north.(BE)

25 The Lord Almighty, the God of Israel, says: “I am about to bring punishment on Amon god of Thebes,(BF) on Pharaoh,(BG) on Egypt and her gods(BH) and her kings, and on those who rely(BI) on Pharaoh. 26 I will give them into the hands(BJ) of those who want to kill them—Nebuchadnezzar king(BK) of Babylon and his officers. Later, however, Egypt will be inhabited(BL) as in times past,” declares the Lord.

27 “Do not be afraid,(BM) Jacob(BN) my servant;(BO)
    do not be dismayed, Israel.
I will surely save you out of a distant place,
    your descendants from the land of their exile.(BP)
Jacob will again have peace and security,
    and no one will make him afraid.
28 Do not be afraid, Jacob my servant,
    for I am with you,”(BQ) declares the Lord.
“Though I completely destroy(BR) all the nations
    among which I scatter you,
    I will not completely destroy you.
I will discipline you but only in due measure;
    I will not let you go entirely unpunished.”

Footnotes

  1. Jeremiah 46:9 That is, the upper Nile region