Add parallel Print Page Options

Ballankii Dib U Soo Celinta

33 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah mar labaad u yimid intuu weli barxaddii xabsiga ku xidhnaa, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga waxyaalahaas sameeya, oo u yeela inuu sii adkeeyo aawadeed, magiciisu waa Rabbiga, oo wuxuu leeyahay, I bari, waanan kuu jawaabi doonaa, oo waxaan ku tusi doonaa waxyaalo waaweyn oo qarsoon oo aadan aqoon. Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay guryaha magaaladan iyo guryaha boqorrada dalka Yahuudah oo loo dumiyey in la sameeyo wax lagaga daafaco tuulmooyinkii dagaalka iyo seefta, Iyagu waxay u imanayaan inay reer Kaldayiin la diriraan, laakiinse waxay meeshan ka buuxin doonaan dad dhintay meydadkood, kuwaasoo aan cadhadayda iyo xanaaqayga ku laayay, oo aan dhammaantood xumaantooda aawadeed magaaladan wejigayga uga qariyey. Bal ogaada, anigu waxaan iyada u keeni doonaa caafimaad iyo fayoobi, waanan bogsiin doonaa, oo waxaan iyaga u muujin doonaa nabad iyo run badan. Oo maxaabiistii dadka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Israa'iilba waan soo celin doonaa, oo iyagaan u dhisi doonaa sidii markii hore oo kale. Xumaantoodii ay igu dembaabeen oo dhan waan ka nadiifin doonaa, oo xumaatooyinkoodii ay igu dembaabeen oo ay igu xadgudbeen oo dhanna waan ka cafiyi doonaa. Oo magaaladanu waxay igu noqon doontaa magac farxadeed, oo ammaan iyo sharaf ku hor leh quruumaha dunida oo maqli doona wanaagga aan iyaga u sameeyo oo dhan hortooda, oo iyagu waxay la cabsan doonaan oo la wada gariiri doonaan wanaagga iyo nabadda aan u yeelo oo dhan. 10 Rabbigu wuxuu leeyahay, Meeshan aad tidhaahdaan, Waa cidla aan dad iyo duunyo toona lahayn, taasoo ah magaalooyinka dalka Yahuudah iyo jidadka Yeruusaalem, oo ah baabba' cidla ah, oo aan lagu arag dad, iyo wax deggan, iyo duunyo toona, waxaa mar kale laga dhex maqli doonaa 11 codka farxadda, iyo codka rayraynta, iyo codka arooska, iyo codka aroosadda, iyo codka kuwa leh, Rabbiga ciidammada u mahadnaqa, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa, iyo kuwa guriga Rabbiga allabaryo mahadnaqid ah keena. Waayo, maxaabiista dalka waan soo celin doonaa sidii markii hore oo kale, ayaa Rabbigu leeyahay. 12 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan cidlada ah oo aan dad iyo duunyo toona lahayn, iyo magaalooyinkeeda oo dhanba waxaa mar kale jiri doona rug adhijirro adhyahooda fadhiisiya. 13 Magaalooyinka buuraha, iyo magaalooyinka dooxada, iyo magaalooyinka koonfureed, iyo dalka reer Benyaamiin, iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudahba adhyuhu mar kalay hoos mari doonaan kan tirinaya gacmihiisa, ayaa Rabbigu leeyahay.

14 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan wada oofin doona wixii wanaagsanaa ee aan dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba kaga hadlay. 15 Wakhtigaas iyo waagaasba waxaan Daa'uud u soo bixin doonaa biqil xaq ah, oo isna wuxuu dalka ku dhex samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo. 16 Wakhtigaas dadka Yahuudah waa la badbaadin doonaa, oo Yeruusaalemna ammaan bay ku degganaan doontaa, oo kanuna waa magaca iyada lagu magacaabi doono, Rabbigu waa xaqnimadayadii. 17 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Daa'uud marnaba ma waayi doono nin carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista. 18 Oo wadaaddada reer Laawina marnaba ma waayi doonaan nin hortayda jooga inuu qurbaanno la gubo bixiyo, iyo inuu qurbaanno hadhuudh ah gubo, iyo inuu had iyo goorba allabaryo. 19 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi, 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad jebin karaysaan axdigayga habeenka, amase axdigayga maalinta, si habeen iyo maalinu ayan xilligooda u ahaanin, 21 markaas axdigayga aan addoonkayga Daa'uud la dhigtayna waa jabi karayaa si uusan u helin wiil carshigiisa ka dul taliya, iyo kii aan la dhigtay wadaaddada reer Laawi oo midiidinnadayda ah. 22 Sida aan ciidammada samada loo tirin karin, amase aan ciidda badda loo qiyaasi karin, ayaan u tarmin doonaa farcanka addoonkayga Daa'uud, iyo reer Laawiga ii adeegaba. 23 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi, 24 Miyaadan ka fikirayn waxa dadkanu ku hadleen iyagoo leh, Labadii qolo ee uu Rabbigu doortayba wuu xooray? Oo saasay dadkayga u quudhsadaan si ayan iyagu mar dambe hortooda quruun ugu ahaan. 25 Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadduusan axdigayga habeenka iyo maalintu sii jirin, ama haddaanan waajib ka dhigin qaynuunnada samada iyo dhulkaba, 26 markaas waxaan xoori doonaa farcankii Yacquub, iyo addoonkaygii Daa'uudba, si aanan farcankiisa qaarna uga dhigin inay taliyayaal u ahaadaan farcankii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, waayo, maxaabiistooda waan soo celin doonaa, waanan u naxariisan doonaa.

Promise of Restoration

33 While Jeremiah was still confined(A) in the courtyard(B) of the guard, the word of the Lord came to him a second time:(C) “This is what the Lord says, he who made the earth,(D) the Lord who formed it and established it—the Lord is his name:(E) ‘Call(F) to me and I will answer you and tell you great and unsearchable(G) things you do not know.’ For this is what the Lord, the God of Israel, says about the houses in this city and the royal palaces of Judah that have been torn down to be used against the siege(H) ramps(I) and the sword in the fight with the Babylonians[a]: ‘They will be filled with the dead bodies of the people I will slay in my anger and wrath.(J) I will hide my face(K) from this city because of all its wickedness.

“‘Nevertheless, I will bring health and healing to it; I will heal(L) my people and will let them enjoy abundant peace(M) and security. I will bring Judah(N) and Israel back from captivity[b](O) and will rebuild(P) them as they were before.(Q) I will cleanse(R) them from all the sin they have committed against me and will forgive(S) all their sins of rebellion against me. Then this city will bring me renown,(T) joy, praise(U) and honor(V) before all nations on earth that hear of all the good things I do for it; and they will be in awe and will tremble(W) at the abundant prosperity and peace I provide for it.’

10 “This is what the Lord says: ‘You say about this place, “It is a desolate waste, without people or animals.”(X) Yet in the towns of Judah and the streets of Jerusalem that are deserted,(Y) inhabited by neither people nor animals, there will be heard once more 11 the sounds of joy and gladness,(Z) the voices of bride and bridegroom, and the voices of those who bring thank offerings(AA) to the house of the Lord, saying,

“Give thanks to the Lord Almighty,
    for the Lord is good;(AB)
    his love endures forever.”(AC)

For I will restore the fortunes(AD) of the land as they were before,(AE)’ says the Lord.

12 “This is what the Lord Almighty says: ‘In this place, desolate(AF) and without people or animals(AG)—in all its towns there will again be pastures for shepherds to rest their flocks.(AH) 13 In the towns of the hill(AI) country, of the western foothills and of the Negev,(AJ) in the territory of Benjamin, in the villages around Jerusalem and in the towns of Judah, flocks will again pass under the hand(AK) of the one who counts them,’ says the Lord.

14 “‘The days are coming,’ declares the Lord, ‘when I will fulfill the good promise(AL) I made to the people of Israel and Judah.

15 “‘In those days and at that time
    I will make a righteous(AM) Branch(AN) sprout from David’s line;(AO)
    he will do what is just and right in the land.
16 In those days Judah will be saved(AP)
    and Jerusalem will live in safety.(AQ)
This is the name by which it[c] will be called:(AR)
    The Lord Our Righteous Savior.’(AS)

17 For this is what the Lord says: ‘David will never fail(AT) to have a man to sit on the throne of Israel, 18 nor will the Levitical(AU) priests(AV) ever fail to have a man to stand before me continually to offer burnt offerings, to burn grain offerings and to present sacrifices.(AW)’”

19 The word of the Lord came to Jeremiah: 20 “This is what the Lord says: ‘If you can break my covenant with the day(AX) and my covenant with the night, so that day and night no longer come at their appointed time,(AY) 21 then my covenant(AZ) with David my servant—and my covenant with the Levites(BA) who are priests ministering before me—can be broken and David will no longer have a descendant to reign on his throne.(BB) 22 I will make the descendants of David my servant and the Levites who minister before me as countless(BC) as the stars in the sky and as measureless as the sand on the seashore.’”

23 The word of the Lord came to Jeremiah: 24 “Have you not noticed that these people are saying, ‘The Lord has rejected the two kingdoms[d](BD) he chose’? So they despise(BE) my people and no longer regard them as a nation.(BF) 25 This is what the Lord says: ‘If I have not made my covenant with day and night(BG) and established the laws(BH) of heaven and earth,(BI) 26 then I will reject(BJ) the descendants of Jacob(BK) and David my servant and will not choose one of his sons to rule over the descendants of Abraham, Isaac and Jacob. For I will restore their fortunes[e](BL) and have compassion(BM) on them.’”

Footnotes

  1. Jeremiah 33:5 Or Chaldeans
  2. Jeremiah 33:7 Or will restore the fortunes of Judah and Israel
  3. Jeremiah 33:16 Or he
  4. Jeremiah 33:24 Or families
  5. Jeremiah 33:26 Or will bring them back from captivity