Add parallel Print Page Options

Gabdhaha Ay Reer Benyaamiin Guursadeen

21 Haddaba raggii reer binu Israa'iil waxay ku dhaarteen, iyagoo Misfaah jooga, oo waxay isku yidhaahdeen, Midkeenna waa inaanu gabadhiisa u guurin reer Benyaamiin. Markaasaa dadkii waxay yimaadeen Beytel, oo halkaasay Ilaah hor fadhiyeen ilaa fiidkii, oo intay codkoodii kor u qaadeen ayay aad u ooyeen. Oo waxay yidhaahdeen, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, maxaa waxanu uga dhex dhaceen reer binu Israa'iil in maanta qabiil ka dhimanaado reer binu Israa'iil? Oo waxay noqotay maalintii dambe inay dadkii aroor hore kaceen oo ay halkaas ka dhiseen meel allabari, oo waxay bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino. Oo reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, Qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan yaa ka maqan oo aan iman shirka Ilaah? Waayo, waxay ku dhaarteen dhaar weyn oo ku saabsan kii aan Misfaah Rabbiga ugu soo shirin, oo waxay yidhaahdeen, Hubaal kaas waa in la dilaa. Oo reer binu Israa'iilna waxay u qoomamoodeen walaalahood reer Benyaamiin, oo waxay yidhaahdeen, Maanta waxaa jira qabiil ka go'ay reer binu Israa'iil. Sidee baynu inta ka hadhay naago ugu yeelnaa, maxaa yeelay, waxaynu ku dhaarannay Rabbiga inaynaan gabdhaheenna u guurin iyaga? Oo waxay isku yidhaahdeen, Qabiilooyinka reer binu Israa'iil qabiilkee baan Rabbiga Misfaah ugu iman? Oo bal eeg, midnaba xeradii shirka ugama iman reer Yaabeesh Gilecaad oo dhan. Waayo, markii dadka la tiriyey bal eeg, halkaas ma joogin ka mid ah dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa. 10 Markaasaa shirkii wuxuu halkaas u diray laba iyo toban kun oo nin oo xoog leh, oo waxayna ku amreen oo ku yidhaahdeen, Taga oo seef ku laaya dadka Yaabeesh Gilecaad deggan, iyo dumarka iyo yaryarkaba. 11 Oo waa inaad sidatan yeeshaan, oo aad inta lab oo dhan wada baabbi'isaan, iyo naag kasta oo nin la seexdayba. 12 Markaasay dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa ka soo heleen afar boqol oo gabdhood oo dhallinyar oo wada bikrado ah, oo aan weligood ninna la seexan; oo waxay iyagii keeneen xeradii Shiiloh, taasoo ku tiil dalka reer Kancaan.

13 Markaasaa shirkii oo dhammu wuxuu u cid diray oo la hadlay reer Benyaamiinkii joogay dhagaxii weynaa oo Rimmon, oo waxay ugu bishaareeyeen nabad. 14 Oo markaasay reer Benyaamiin soo noqdeen, oo waxaa la siiyey naagihii iyagoo nool Yabeesh Gilecaad laga keenay ee ka hadhay naagihii dalkaas; oo weliba kuma ay filnaan. 15 Oo dadkii waxay u qoomamoodeen reer Benyaamiin, maxaa yeelay, Rabbigu dillaac buu u yeelay qabiilooyinkii reer binu Israa'iil.

16 Markaasaa odayaashii shirku waxay yidhaahdeen, Bal inta hadhay sidee baynu naago ugu yeelnaa, maxaa yeelay, naagihii waa laga baabbi'iyey reer Benyaamiin? 17 Oo waxay isku yidhaahdeen, Intii reer Benyaamiin ka baxsatay waa inay dhaxal helaan, si aan qabiil uga baabbi'in reer binu Israa'iil. 18 Habase ahaatee waa inaynaan gabdhaheenna iyaga u guurin; waayo, reer binu Israa'iil waxay ku dhaarteen, oo yidhaahdeen, Inkaaru ha ku dhacdo kii gabadh u guuriya reer Benyaamiin. 19 Oo haddana waxay yidhaahdeen, Bal eeg, sannad ka sannad waxaa jirta iidda Rabbiga ee lagu sameeyo Shiiloh, taasoo woqooyi ka xigta Beytel, oo ah dhanka bari oo waddada weyn oo Shekem aadda oo Beytel ka tagta, iyo Leboonaah xaggeeda koonfureed. 20 Markaasay waxay reer Benyaamiin ku amreen oo ku yidhaahdeen, Taga oo ku gaada beeraha canabka ah dhexdooda; 21 oo bal eega, haddii ay gabdhaha reer Shiiloh u soo baxaan inay cayaaraan, de markaas ka soo baxa beeraha canabka ah, oo nin kastaaba naag ha ka qabsado gabdhaha reer Shiiloh, oo markaas waxaad la tagtaan dalka reer Benyaamiin. 22 Oo markay aabbayaashood ama walaalahood noo soo cawdaan, waxaannu iyaga ku odhan doonnaa, Warroy raalli nooga ahaada iyaga; maxaa yeelay, annagu ninna dagaalkii naag ugama aannan reebin. Idinna ma aydnaan siin iyaga, haddii kalese haatan eed baad lahaan lahaydeen. 23 Oo reer Benyaamiinna sidii bay yeeleen, oo waxay intii tiradoodu ahaydba naago ka qaateen kuwii cayaarayay, oo way la tageen; oo waxay tageen oo ku noqdeen dalkoodii ay dhaxalka u heleen, oo magaalooyinkiina way dhiseen oo degeen. 24 Oo reer binu Israa'iilna markaasay halkaas ka tageen. Oo nin waluba wuxuu tegey qabiilkiisii iyo xaaskiisii, oo halkaas intay ka tageen ayaa nin waluba wuxuu u kacay dalkiisii dhaxalka ahaa. 25 Waagaasna reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo nin walubana wuxuu samayn jiray wixii isaga la qumman.