Add parallel Print Page Options

Rabbigu Wuu Iman Doonaa Wuuna Xukumi Doonaa

14 Bal eeg, waxaa imanaysa maalintii Rabbiga ee waxaagii la dhacay dhexdaada lagu qaybsan doono. Waayo, quruumaha oo dhan waan u soo wada ururin doonaa inay Yeruusaalem la diriraan, oo magaalada waa la qabsan doonaa, guryahana waa la dhici doonaa, naagahana waa la kufsan doonaa, oo magaalada badhkeedna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa, laakiinse dadka intiisii hadhay magaalada lagama baabbi'in doono. Markaasaa Rabbigu soo bixi doonaa, oo quruumahaas buu la diriri doonaa, siduu u diriray maalintii dagaalka. Oo maalintaas cagihiisu waxay ku istaagi doonaan Buur Saytuun, taasoo Yeruusaalem ka horraysa oo xagga bari ka xigta, oo Buur Saytuunna dhexday uga kala dillaaci doontaa xagga bari iyo xagga galbeed, oo waxaa jiri doonta dooxo aad u weyn, oo buurta badhkeed wuxuu u durki doonaa xagga woqooyi, oo badhkeeda kalena wuxuu u durki doonaa xagga koonfureed. Markaasaad ku carari doontaan dooxadii buurahayga, waayo, dooxada buuruhu waxay gaadhi doontaa tan iyo Aaseel. Oo waxaad u carari doontaan sidaad ugu hor cararteen dhulgariirkii dhacay wakhtigii Cusiyaah boqorka ka ahaa dalka Yahuudah. Oo Rabbiga Ilaahayga ahu wuu iman doonaa, oo waxaa la iman doonaa kuwa quduuska ah oo dhan. Oo waxay maalintaas noqon doontaa in iftiinku uusan yeelanayn dhalaal iyo gudcur toona, laakiinse waxay ahaan doontaa maalin uu Rabbigu og yahay, taasoo aan maalin ahayn, oo aan habeenna ahayn, laakiinse waxay ahaan doontaa in markay fiidkii tahay uu iftiin jiri doono. Oo waxay maalintaas noqon doontaa inay biyo noolu Yeruusaalem ka soo baxaan, oo badhkood wuxuu u qulquli doonaa xagga badda bari, oo badhkooda kalena wuxuu u qulquli doonaa xagga badda galbeed, oo waxay ahaan doontaa wakhtiga kulaylka iyo wakhtiga qabowga. Oo Rabbigu boqor buu ka ahaan doonaa dunida oo dhan, oo maalintaas Rabbigu mid buu ahaan doonaa, oo magiciisuna mid buu ahaan doonaa.

10 Oo dalka oo dhammuna wuxuu u rogman doonaa sida Caraabaah, tan iyo Gebac iyo ilaa Rimmoon oo Yeruusaalem xagga koonfureed ka jirta. Oo Yeruusaalemna kor baa loo qaadi doonaa oo waxay iska degganaan doontaa meesheeda, tan iyo iridda Benyaamiin iyo ilaa meesha iridda kowaad, iyo ilaa iridda geeska ku taal, iyo tan iyo munaaradda Xananeel iyo ilaa boqorka macsarooyinkiisa khamriga. 11 Oo dad baa dhexdeeda degganaan doona, oo innaba habaar dambe ma jiri doono, laakiinse Yeruusaalem si ammaan ah ayay u degganaan doontaa. 12 Oo tanuna waa belaayada Rabbigu ku dhufan doono dadyowga Yeruusaalem la diriray oo dhan. Iyagoo cagahooda ku taagan ayaa hilibkoodu iska dhammaan doona, oo indhahoodu waxay ku dhex baabbi'i doonaan godadkooda, carrabkooduna afkooda. 13 Oo wakhtigaas rabshad weyn oo xagga Rabbiga ka timid ayaa dhexdooda jiri doonta, oo midkood kastaaba wuxuu qabsan doonaa gacanta deriskiisa, oo gacantiisu waxay ku kici doontaa gacanta deriskiisa. 14 Oo weliba dadka dalka Yahuudah Yeruusaalem bay ku dagaallami doonaan, oo maalka quruumaha hareeraheeda ku wareegsan oo dhanna waa la soo wada ururin doonaa, kaasoo ah dahab iyo lacag iyo dhar aad u badan. 15 Oo saasay noqon doontaa belaayada faraska, iyo tan baqalka, iyo tan awrka, iyo tan dameerka, oo xayawaanka xerooyinkaas jooga oo dhanba waxaa ku dhici doonta belaayadan. 16 Oo waxay noqon doontaa in mid kasta oo ka hadhay quruumihii Yeruusaalem ku soo kacay oo dhan uu u kici doono inuu soo caabudo Boqorka ah Rabbiga ciidammada, iyo inuu soo dhawro Iiddii Waababka. 17 Oo qolooyinka dhulka deggan oo dhan ku alla kii aan Yeruusaalem ugu kicin inuu soo caabudo Boqorka ah Rabbiga ciidammada innaba roob kuma di'i doono. 18 Oo haddii uusan reer Masar u kicin, oo uusan iman, iyagana roob kuma di'i doono, oo waxaa jiri doonta belaayo taasoo Rabbigu ku dhufan doono quruumihii aan u kicin inay soo dhawraan Iiddii Waababka. 19 Taasu waxay ahaan doontaa ciqaabta Masar, iyo ciqaabta dhammaan quruumaha aan u kicin inay soo dhawraan Iiddii Waababka. 20 Wakhtigaas dawannada fardaha waxaa ku qornaan doona, WAA U QUDUUS RABBIGA, oo dheryaha guriga Rabbiga ku jiraana waxay ahaan doonaan sida maddiibadaha meesha allabariga hor yaal. 21 Oo xataa dheri kasta oo Yeruusaalem dhex yaal iyo mid kasta oo dalka Yahuudah dhex yaalba quduus buu u ahaan doonaa Rabbiga ciidammada, oo kuwa allabariga bixiya oo dhammu way iman doonaan oo intay qaataan ayay wax ku karsan doonaan, oo wakhtigaas ka dib mid reer Kancaan ahu guriga Rabbiga ciidammada kuma jiri doono.

The Lord Comes and Reigns

14 A day of the Lord(A) is coming, Jerusalem, when your possessions(B) will be plundered and divided up within your very walls.

I will gather all the nations(C) to Jerusalem to fight against it;(D) the city will be captured, the houses ransacked, and the women raped.(E) Half of the city will go into exile, but the rest of the people will not be taken from the city.(F) Then the Lord will go out and fight(G) against those nations, as he fights on a day of battle.(H) On that day his feet will stand on the Mount of Olives,(I) east of Jerusalem, and the Mount of Olives will be split(J) in two from east to west, forming a great valley, with half of the mountain moving north and half moving south. You will flee by my mountain valley, for it will extend to Azel. You will flee as you fled from the earthquake[a](K) in the days of Uzziah king of Judah. Then the Lord my God will come,(L) and all the holy ones with him.(M)

On that day there will be neither sunlight(N) nor cold, frosty darkness. It will be a unique(O) day—a day known only to the Lord—with no distinction between day and night.(P) When evening comes, there will be light.(Q)

On that day living water(R) will flow(S) out from Jerusalem, half of it east(T) to the Dead Sea and half of it west to the Mediterranean Sea, in summer and in winter.(U)

The Lord will be king(V) over the whole earth.(W) On that day there will be one Lord, and his name the only name.(X)

10 The whole land, from Geba(Y) to Rimmon,(Z) south of Jerusalem, will become like the Arabah. But Jerusalem will be raised up(AA) high from the Benjamin Gate(AB) to the site of the First Gate, to the Corner Gate,(AC) and from the Tower of Hananel(AD) to the royal winepresses, and will remain in its place.(AE) 11 It will be inhabited;(AF) never again will it be destroyed. Jerusalem will be secure.(AG)

12 This is the plague with which the Lord will strike(AH) all the nations that fought against Jerusalem: Their flesh will rot while they are still standing on their feet, their eyes will rot in their sockets, and their tongues will rot in their mouths.(AI) 13 On that day people will be stricken by the Lord with great panic.(AJ) They will seize each other by the hand and attack one another.(AK) 14 Judah(AL) too will fight at Jerusalem. The wealth of all the surrounding nations will be collected(AM)—great quantities of gold and silver and clothing. 15 A similar plague(AN) will strike the horses and mules, the camels and donkeys, and all the animals in those camps.

16 Then the survivors(AO) from all the nations that have attacked Jerusalem will go up year after year to worship(AP) the King,(AQ) the Lord Almighty, and to celebrate the Festival of Tabernacles.(AR) 17 If any of the peoples of the earth do not go up to Jerusalem to worship(AS) the King, the Lord Almighty, they will have no rain.(AT) 18 If the Egyptian people do not go up and take part, they will have no rain. The Lord[b] will bring on them the plague(AU) he inflicts on the nations that do not go up to celebrate the Festival of Tabernacles.(AV) 19 This will be the punishment of Egypt and the punishment of all the nations that do not go up to celebrate the Festival of Tabernacles.(AW)

20 On that day holy to the Lord(AX) will be inscribed on the bells of the horses, and the cooking pots(AY) in the Lord’s house will be like the sacred bowls(AZ) in front of the altar. 21 Every pot in Jerusalem and Judah will be holy(BA) to the Lord Almighty, and all who come to sacrifice will take some of the pots and cook in them. And on that day(BB) there will no longer be a Canaanite[c](BC) in the house(BD) of the Lord Almighty.(BE)

Footnotes

  1. Zechariah 14:5 Or My mountain valley will be blocked and will extend to Azel. It will be blocked as it was blocked because of the earthquake
  2. Zechariah 14:18 Or part, then the Lord
  3. Zechariah 14:21 Or merchant