Add parallel Print Page Options

SEFANYAAH

Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Sefanyaah ina Kuushii, ina Gedalyaah, ina Amaryaah, ina Xisqiyaah, wakhtigii Yoosiyaah ina Aamoon uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah.

Ka-digiddii Baabbi'inta Soo Socota

Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu wax kasta waan ka baabbi'in doonaa dhulka korkiisa. Rabbigu wuxuu leeyahay, Dad iyo duunyoba waan wada baabbi'in doonaa, haadda samada iyo kalluunka baddaba waan wada baabbi'in doonaa, oo waxa lagu turunturoodo iyo sharrowyadaba waan wada baabbi'in doonaa, oo binu-aadmigana waan ka gooyn doonaa dhulka korkiisa.

Digniin Ka Gees Ah Yahuudah

Oo gacantaydaan ku soo kor fidin doonaa dalka Yahuudah iyo inta Yeruusaalem deggan oo dhan, oo intii Bacal ka hadhayna meeshan waan ka gooyn doonaa, iyo magaca Kemaariim iyo wadaaddada, iyo kuwa ciidanka samada ku caabuda guryaha dhaladooda, iyo kuwa Rabbiga caabuda oo ku dhaarta oo haddana ku dhaarta Malkaam, iyo kuwa dib uga noqday Rabbiga lasocodkiisii, iyo kuwa aan Rabbiga doondoonin ama aan isaga innaba wax ka baryin.

Sayidka Rabbiga ah hortiisa ku aamus, maxaa yeelay, maalintii Rabbigu waa soo dhow dahay, waayo, Rabbigu waa diyaariyey allabari, oo martidiisiina quduus buu ka dhigay. Oo maalinta Rabbiga allabarigiisa ayaan ciqaabi doonaa amiirrada iyo wiilasha boqorka, iyo inta dharka qalaad xidhan oo dhanba. Maalintaas waxaan wada ciqaabi doonaa kuwa marinka ka booda, oo guriga sayidkooda ka buuxiya dulmi iyo khiyaano.

10 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Isla maalintaas qaylo dhawaaqeed ayaa ka yeedhi doona Iridda Kalluunka, oo magaalada inteeda labaadna waxaa ka yeedhi doonta baroor, kurahana waxaa ka yeedhi doona daryaan weyn. 11 Kuwiinna Makteesh degganow, qayliya, waayo, dadkii reer Kancaan oo dhammu waa dhammaaday, oo kuwii lacagta ku rarnaa oo dhammu waa baabba'. 12 Oo wakhtigaas ayaan Yeruusaalem laambado ku baadhi doonaa, waanan ciqaabi doonaa dadka gufarkooda isaga fadhiyey sida khamri deggan oo kale, oo qalbigooda iska yidhaahda, Rabbigu wax wanaagsan samayn maayo, wax shar ahna samayn maayo. 13 Maalkoodu wuxuu noqon doonaa wax la boobo, guryahooduna waxay noqon doonaan meel baabba' ah, haah, oo waxay dhisan doonaan guryo, laakiinse ma ay degi doonaan, oo waxay beeran doonaan beero canab ah, laakiinse khamrigooda ma ay cabbi doonaan.

Maalintii Weynayd Ee Rabbiga

14 Maalintii weynayd oo Rabbigu way soo dhow dahay, way soo dhow dahay, oo aad bay u soo degdegaysaa. Dhawaaqi maalinta Rabbigu mar dhow buu yeedhi doonaa, dadka xoogga badanuna halkaasay si qadhaadh ah uga qaylin doonaan. 15 Maalintaasu waa maalin ay cadho jirto, oo waa maalin ay jiraan dhibaato iyo cidhiidhi, oo waa maalin ay jiraan dumin iyo baabbi'in, oo waa maalin ay jiraan gudcur iyo mugdi madow, oo waa maalin ay jiraan daruuro iyo gudcur dam ah, 16 oo waa maalin ay jiraan buun iyo qaylo dagaaleed oo ka gees ah magaalooyinka deyrka leh, iyo munaaradaha dhaadheer.

17 Dadka waxaan ku soo dejin doonaa cidhiidhi inay u socdaan sidii dad indha la', maxaa yeelay, Rabbigay ku dembaabeen, oo dhiiggoodu wuxuu u daadan doonaa sida boodh oo kale, hilibkooduna sida digo oo kale. 18 Oo maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooda midna kama samatabbixin doono iyaga, laakiinse dalka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradiisa, oo dhulka waxa deggan oo dhanna haddiiba dhaqsiyuu u wada dhammayn doonaa.

The word of the Lord that came to Zephaniah son of Cushi, the son of Gedaliah, the son of Amariah, the son of Hezekiah, during the reign of Josiah(A) son of Amon(B) king of Judah:

Judgment on the Whole Earth in the Day of the Lord

“I will sweep away everything
    from the face of the earth,”(C)
declares the Lord.
“I will sweep away both man and beast;(D)
    I will sweep away the birds in the sky(E)
    and the fish in the sea—
    and the idols that cause the wicked to stumble.”[a]

“When I destroy all mankind
    on the face of the earth,”(F)
declares the Lord,(G)
“I will stretch out my hand(H) against Judah
    and against all who live in Jerusalem.
I will destroy every remnant of Baal worship in this place,(I)
    the very names of the idolatrous priests(J)
those who bow down on the roofs
    to worship the starry host,(K)
those who bow down and swear by the Lord
    and who also swear by Molek,[b](L)
those who turn back from following(M) the Lord
    and neither seek(N) the Lord nor inquire(O) of him.”

Be silent(P) before the Sovereign Lord,
    for the day of the Lord(Q) is near.
The Lord has prepared a sacrifice;(R)
    he has consecrated those he has invited.

“On the day of the Lord’s sacrifice
    I will punish(S) the officials
    and the king’s sons(T)
and all those clad
    in foreign clothes.
On that day I will punish
    all who avoid stepping on the threshold,[c](U)
who fill the temple of their gods
    with violence and deceit.(V)

10 “On that day,(W)
    declares the Lord,
“a cry will go up from the Fish Gate,(X)
    wailing(Y) from the New Quarter,
    and a loud crash from the hills.
11 Wail,(Z) you who live in the market district[d];
    all your merchants will be wiped out,
    all who trade with[e] silver will be destroyed.(AA)
12 At that time I will search Jerusalem with lamps
    and punish those who are complacent,(AB)
    who are like wine left on its dregs,(AC)
who think, ‘The Lord will do nothing,(AD)
    either good or bad.’(AE)
13 Their wealth will be plundered,(AF)
    their houses demolished.
Though they build houses,
    they will not live in them;
though they plant vineyards,
    they will not drink the wine.”(AG)

14 The great day of the Lord(AH) is near(AI)
    near and coming quickly.
The cry on the day of the Lord is bitter;
    the Mighty Warrior shouts his battle cry.
15 That day will be a day of wrath—
    a day of distress and anguish,
        a day of trouble and ruin,
    a day of darkness(AJ) and gloom,
        a day of clouds and blackness(AK)
16     a day of trumpet and battle cry(AL)
against the fortified cities
    and against the corner towers.(AM)

17 “I will bring such distress(AN) on all people
    that they will grope about like those who are blind,(AO)
    because they have sinned against the Lord.
Their blood will be poured out(AP) like dust
    and their entrails like dung.(AQ)
18 Neither their silver nor their gold
    will be able to save them
    on the day of the Lord’s wrath.”(AR)

In the fire of his jealousy(AS)
    the whole earth will be consumed,(AT)
for he will make a sudden end
    of all who live on the earth.(AU)

Footnotes

  1. Zephaniah 1:3 The meaning of the Hebrew for this line is uncertain.
  2. Zephaniah 1:5 Hebrew Malkam
  3. Zephaniah 1:9 See 1 Samuel 5:5.
  4. Zephaniah 1:11 Or the Mortar
  5. Zephaniah 1:11 Or in