Add parallel Print Page Options

Kanu waa sabuur Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Gitiid.

81 Aad ugu gabya Ilaaha xooggeenna ah,
Oo farxad ugu qayliya Ilaaha Yacquub.
Sabuurka kor u qaada, oo waxaad halkan keentaan dafka,
Iyo kataaradda lagu farxo, iyo shareeradda.
Buunka afuufa markay bishu dhalato,
Iyo markuu dayaxu caddo buuxda yahay, iyo maalinta iiddeenna quduuska ah.
Waayo, taasu qaynuun bay u tahay reer binu Israa'iil,
Waana amar ka yimid Ilaaha Yacquub.
Oo wuxuu reer Yuusuf dhexdooda ka dhigay markhaati,
Markii uu dalkii Masar ku soo baxay,
Halkaas oo aan ka maqlay af aanan aqoon.
Garbihiisa waxaan ka qaaday culaabtii saarnayd,
Gacmihiisana waxaa laga xoreeyey dambiishii.
Waad ii dhawaaqatay markii dhib kuu yimid, oo anna waan ku soo samatabbixiyey,
Waxaan kaaga jawaabay onkodka meeshiisa qarsoon,
Oo waxaan kugu tijaabiyey biyihii Meriibaah. (Selaah)
Dadkaygiiyow, bal i maqla,
Oo anna waan idiin digi doonaa,
Reer binu Israa'iilow, bal haddaad i maqli lahaydeen!
Waa inaan ilaah qalaad idinku dhex jirin,
Oo waa inaydaan innaba ilaah qalaad caabudin.
10 Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah,
Oo kaa soo bixiyey dalkii Masar,
Afkaaga aad u kala qaad, oo anna waan buuxin doonaa.
11 Laakiinse dadkaygii ma ay dhegaysan codkaygii,
Oo reer binu Israa'iilna ima aqbalin.
12 Sidaas daraaddeed waxaan u daayay inay ku socdaan madaxadayggooda.
Si ay taladooda ugu socdaan.
13 Bal may dadkaygu i dhegaystaan,
Oo reer binu Israa'iil bal may jidkayga ku socdaan!
14 Oo waxaan haddiiba jebin lahaa cadaawayaashooda,
Oo gacantaydana waan ku jeedin lahaa colkooda.
15 Kuwa Rabbiga necebu waxay hoos geli lahaayeen isaga,
Laakiinse wakhtigoodu weligiis wuu waari lahaa.
16 Oo weliba wuxuu iyaga ku quudin lahaa sarreenka ugu wanaagsan,
Oo waxaan ka dhergin lahaa malabka dhagaxa ka soo baxa.