Add parallel Print Page Options

Kanu waa sabuur Aasaaf tiriyey.

79 Ilaahow, quruumihii kale waxay u soo galeen dhaxalkaagii,
Macbudkaagii quduuska ahaana way nijaaseeyeen,
Oo Yeruusaalemna waxay ka dhigeen tuulmooyin.
Meydadkii addoommadaada waxay cunto uga dhigeen haadka samada,
Oo hilibkii quduusiintaadana waxay cunto uga dhigeen dugaagga dhulka.
Dhiiggoodiina waxay Yeruusaalem hareeraheeda ugu daadiyeen sidii biyo oo kale,
Cid aastaana ma jirin.
Waxaannu cay u noqonnay derisyadayadii,
Kuwa nagu wareegsanna wax la quudhsado oo lagu qoslo.
Rabbiyow, ilaa goormaad noo cadhaysnaan doontaa? Ma weligaa baa?
Masayrkaagu ma sida dab buu u ololi doonaa?
Cadhadaada ku soo deji quruumaha aan ku aqoon,
Iyo boqortooyooyinka aan magacaaga kugu baryin.
Waayo, waxay laayeen reer Yacquub,
Rugtoodiina way baabbi'iyeen.
Ha noo xusuusnaan dembiyadii awowayaashayo,
Naxariistaadu dhaqsiyo ha noogu timaado,
Waayo, aad baa lanoo dhibay.
Ilaaha badbaadadayadow, magacaaga ammaantiisa daraaddeed noo caawi,
Oo magacaaga daraaddiis noo samatabbixi, oo dembiyadayada naga nadiifi.
10 Bal maxaa quruumuhu u leeyihiin, Ilaahoodu meeh?
Dhiiggii addoommadaada oo ay daadiyeen aargoosashadiisii
Ha lagu ogaado quruumaha dhexdooda annagoo arkayna.
11 Maxbuuska taahiisu hortaada ha yimaado,
Xooggaaga weynaantiisa ku badbaadi kuwa dhimashada lagu xukumay.
12 Sayidow, derisyadayada toddoba jibbaar ugu abaalmari,
Oo laabta u geli caydii ay kugu caayeen.
13 Haddaba annagoo ah dadkaaga iyo idihii daaqsintaada
Waannu kugu mahadnaqaynaa weligayo,
Oo ammaantaada waannu ka sheekaysan doonnaa tan iyo ka ab ka ab.