Add parallel Print Page Options

15 Kuweenna xoogga leh waxaa inagu waajib ah inaynu qaadno itaaldarrada kuwa xoogga yar, oo aynaan nafteenna ka farxin. Midkeen kastaaba deriskiisa ha ka farxiyo inuu ku wanaagsanaado oo ku dhismo. Waayo, Masiixiiba naftiisii kama uu farxin, laakiinse sida qoran, Caydii kuwii adiga ku caayay ayaa igu kor dhacday. Waayo, wax alla wixii hore loo qorayba waxaa loo qoray waxbarashadeenna, inaynu dulqaadashada iyo gargaarka Qorniinka rajo ku lahaanno. Ilaaha dulqaadashada iyo gargaariddu ha ka dhigo in midkiinba midka kale la fikir ahaado sida Ciise Masiix, inaad isku qalbi iyo isku af ku ammaantaan Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix.

Injiilka Loo Keenay Dadka Aan Yuhuudda Ahayn

Sidaas daraaddeed isdhoweeya sida Masiixuna idiin dhoweeyey in Ilaah la ammaano. Waayo, waxaan idinku leeyahay, Masiixu wuxuu noqday kuwa gudan midiidinkooda, runta Ilaah aawadeed, inuu u xaqiijiyo ballamadii awowayaashii hore la siiyey, iyo in quruumuhu Ilaah u ammaanaan naxariistiisa, sida qoran,

Sidaas daraaddeed waxaan kugu ammaani doonaa quruumaha dhexdooda,
Oo magacaaga waan u gabyi doonaa.

10 Oo haddana wuxuu leeyahay,

Quruumahow, la reyreeya dadkiisa.

11 Oo haddana,

Rabbiga ammaana, quruumahoo dhammow,
Dadkoo dhammuna ha ammaano isaga.

12 Oo haddana Isayos wuxuu leeyahay,

Waxaa jiri doona xididkii Yesay,
Iyo kan u kacaya inuu u taliyo quruumaha,
Isagayna quruumuhu wax ku rajayn doonaan.

13 Ilaaha rajadu ha idinka buuxiyo farxad iyo nabad oo dhan, idinkoo rumaysan, si rajadiinnu ugu badato xoogga Ruuxa Quduuskaa.

Bawlos Si Dhiirranaan Ah Ayuu Wax Ku Qoray

14 Oo aniga qudhayduna waxaan idiin hubaa, walaalahayow, inuu wanaag idinka buuxo, oo laydinka buuxiyey aqoon oo dhan, oo aad kartaan inaad iswaanisaan. 15 Laakiinse siyaalaha qaarkood dhiirranaan badan baan idiinku soo qoray inaan idin xusuusiyo, nimcadii xagga Ilaah layga siiyey aawadeed, 16 inaan dadka aan Yuhuudda ahayn u noqdo midiidinkii Ciise Masiix, anigoo shuqulka wadaadnimada u qabanaya injiilka Ilaah, in sadaqada dadka aan Yuhuudda ahayn la aqbalo, iyadoo quduus lagaga dhigay Ruuxa Quduuskaa. 17 Haddaba xagga Ciise Masiix waxaan leeyahay wax aan ku faano, waana wax ku saabsan Ilaah. 18 Waayo, kuma dhici doono inaan waxba ka hadlo wixii Masiixii iga dhex shaqeeyey mooyaane, dadka aan Yuhuudda ahayn addeeciddooda aawadeed, oo uu igaga dhex shaqeeyey hadal iyo camal, 19 oo uu ku sameeyey xoogga calaamooyinka iyo yaababka, iyo xoogga Ruuxa Quduuskaa, oo sidaasaan injiilka Masiixa ugu wada wacdiyey Yeruusaalem iyo hareeraheeda iyo ilaa Illurikon. 20 Sidaasaan u hawaystay inaan injiilka ku wacdiyo meel aan Masiixa awil lagu magacaabin, si aanan ugu dul dhisin aasaaska nin kale dhigay. 21 Laakiinse, sida qoran,

Waxaa arki doona kuwo aan warkiisu u iman,
Kuwii aan maqlinuna waa garan doonaan.

Wixii Bawlos Ku Talo Jiray

22 Sidaas daraaddeed marar badan baa layga hor joogsaday imaatinkii aan idiin iman lahaa; 23 laakiinse haatan anigoo aan meelahakan meel dambe ku lahayn, oo idin boholyoobayay sannado badan inaan idiin imaado, 24 markaan Isbaanya tago waxaan rajaynayaa inaan sodcaalkayga idinku arko oo idinna aad halkaas iga ambabbixisaan, markaan cabbaar idinku raaxaysto dabadeed, 25 laakiinse haatan waxaan aadayaa Yeruusaalem inaan u adeego quduusiinta. 26 Waayo, dadka Makedoniya iyo Akhaya waxay aad u jeclaysteen inay wax u ururiyaan masaakiinta ka midka ah quduusiinta Yeruusaalem joogta. 27 Way jeclaysteen, waana ku waajib inay sameeyaan. Waayo, dadka aan Yuhuudda ahayn hadday noqdeen kuwo ka qayb galay waxyaalahooda ruuxa, de markaas waxaa ku waajib ah iyaga inay ugu adeegaan waxyaalaha jidhka. 28 Sidaas daraaddeed markaan tan dhammeeyo oo aan iyaga midhahan ku hubsado, idinkaan idin soo mari doonaa, anoo Isbaanya u socda. 29 Oo waxaan ogahay markaan idiin imaado inaan ku iman doono buuxnaanta barakada Masiixa.

30 Walaalayaalow, waxaan idinku baryayaa Rabbigeenna Ciise Masiix iyo jacaylka Ruuxa, inaad igula dadaashaan tukashooyinkiinna markaad Ilaah ii baridaan, 31 in layga samatabbixiyo kuwa caasiyiinta ah oo Yahuudiya jooga, iyo in hawshayda aan Yeruusaalem u qabanayo ay noqoto mid ay quduusiintu aqbalaan; 32 inaan farxad idiinku imaado haddii Ilaah doonayo, oo aan idinla nasto. 33 Ilaaha nabaddu ha idinla jiro kulligiin. Aamiin.