Add parallel Print Page Options

Ciise Waxaa Loo Dhiibay Bilaatos Oo Ahaa Taliyaha Reer Rooma(A)

27 Goortii aroortii la gaadhay wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka oo dhan ayaa Ciise wax ka gees ah ka wada hadlay si ay u dilaan. Markaasay xidheen oo kaxeeyeen, oo waxay u dhiibeen taliyihii Bilaatos ahaa.

Read full chapter

Ciise Oo Bilaatos Hor Taagan(A)

11 Ciise wuxuu hor istaagay taliyaha, oo taliyihiina waa weyddiiyey oo ku yidhi, Ma Boqorkii Yuhuudda baad tahay? Ciisena wuxuu ku yidhi, Waad tidhi. 12 Goortii wadaaddadii sare iyo waayeelladii ay ashtakeeyeen, waxba uma uu jawaabin. 13 Markaasaa Bilaatos ku yidhi, Miyaanad maqlaynin waxa badan oo ay kugu marag furayaan? 14 Laakiin uguma uu jawaabin xataa eray keliya, sidaa darteed taliyihii ayaa aad ula yaabay.

15 Taliyihii waxaa caadadiisu ahayd inuu iidda dadka u sii daayo maxbuuskay doonayaan. 16 Markaasay waxay lahaayeen maxbuus caan ah oo la odhan jiray Baraabbas. 17 Haddaba goortay isu urureen, Bilaatos ayaa ku yidhi, Iyamaad doonaysaan inaan idiin sii daayo? Baraabbas ama Ciise kan Masiixa la yidhaahdo? 18 Waayo, wuxuu ogaa inay hinaaso ugu soo dhiibeen. 19 Kolkuu kursiga xukumaadda ku fadhiistay ayaa naagtiisii farriin u soo dirtay oo waxay ku tidhi, Ha dhex gelin xaajada ninkaas xaqa ah, waayo, maanta anigoo ku riyoonaya isaga, ayaan aad iyo aad u xanuunsaday.

20 Laakiin wadaaddadii sare iyo waayeelladii waxay dadkii badnaa oggolaysiiyeen inay Baraabbas weyddiistaan, Ciisena la dilo. 21 Laakiin taliyihii ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Labadooda kee baad doonaysaan inaan idiin sii daayo? Waxay yidhaahdeen, Baraabbas. 22 Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Haddaba maxaan ku sameeyaa Ciise kan Masiixa la yidhaahdo? Kulligood waxay wada yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo. 23 Oo wuxuu yidhi, Waayo, waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo. 24 Bilaatos goortuu arkay inuusan waxba ka tari karin in rabshad kacdo maahee, ayuu biyo qaatay oo dadka hortooda ku gacmo dhaqday oo wuxuu yidhi, Anigu waan ka eedla'ahay ninkan xaqa ah dhiiggiisa. Idinku yeelkiinna. 25 Dadkii oo dhammu waa wada jawaabeen oo yidhaahdeen, Dhiiggiisu annaga iyo carruurtayadaba ha dul saarnaado. 26 Markaasuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.

Read full chapter

Ciise Oo Hor Taagan Bilaatos Oo Ahaa Taliyaha Reer Rooma(A)

23 Markaasaa dadkoodii oo dhan kacay, oo waxay isagii hor geeyeen Bilaatos. Kolkaasay bilaabeen inay ku ashtakeeyaan iyagoo leh, Waxaannu aragnay ninkan oo quruuntayada rogaya, oo diidaya in Kaysar cashuur la siiyo, oo odhanaya inuu qudhiisu yahay Masiix oo boqor ah. Bilaatos ayaa weyddiiyey, isagoo leh, Ma Boqorka Yuhuudda baad tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad tidhi. Dabadeed Bilaatos wuxuu wadaaddadii sare iyo dadkii ku yidhi, Anigu ninkan eed kuma aan helin. Laakiin way ku sii adkeeyeen iyagoo leh, Dadkuu kiciyaa, oo dalka Yahuudiya oo dhan ayuu wax baraa; dalka Galili ayuu ka soo bilaabay ilaa halkan.

Read full chapter

Bilaatos, Iyo Baraabbas, Iyo Ciise(A)

13 Bilaatos ayaa isugu yeedhay wadaaddadii sare iyo taliyayaashii iyo dadkii. 14 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ninkan waxaad iigu keenteen sidii mid dadka rogaya. Bal ogaada, hortiinna ayaan wax ku weyddiiyey, oo ninkan kuma aan helin eed ku saabsan waxaad ku ashtakaynaysaan. 15 Herodosna kuma uu helin, wuuna noo soo celiyey, oo ma jiro wax dhimasho istaahila oo uu sameeyey. 16 Taas aawadeed waan edbinayaa oo sii daynayaa. 17 Waayo, waajib bay ahayd inuu iidda mid u sii daayo iyaga. 18 Markaasay wada qayliyeen, iyagoo leh, Wad kan, Baraabbas noo sii daa, 19 kan xabsiga loogu riday fallaagaduu magaalada ka riday iyo dilid aawadeed. 20 Mar kale Bilaatos ayaa iyaga la hadlay isagoo doonaya inuu Ciise sii daayo. 21 Laakiin way qayliyeen, iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob. 22 Markaasuu wuxuu kolkii saddexaad ku yidhi, Waayo? Waa maxay sharka kanu sameeyey? Kuma aan helin sabab lagu dilo, taas aawadeed waan edbinayaa oo sii daynayaa. 23 Laakiin cod weyn ayay ku adkaysteen iyagoo weyddiisanaya in iskutallaabta lagu qodbo, oo waxaa xoog batay codadkoodii iyo codadkii wadaaddada sare. 24 Markaasaa Bilaatos wuxuu xukumay in loo yeelo waxay weyddiisteen. 25 Wuuna sii daayay kii fallaagada iyo dilidda xabsiga loogu riday oo ay weyddiisteen, laakiin Ciise buu u dhiibay iyaga siday doonayeen.

Read full chapter

26 Addoommadii wadaadka sare midkood oo qaraabo ay ahaayeen kii Butros uu dhegta ka gooyay wuxuu yidhi, Miyaanan beerta kugula arkin isaga? 27 Haddaba Butros mar kale ayuu inkiray, oo markiiba diiqii baa ciyey.

Ciise Wuxuu Hor Taagnaa Bilaatos Oo Ahaa Taliyihii Reer Rooma(A)

28 Haddaba Ciise ayay ka kaxeeyeen Kayafas ilaa guriga taliyaha. Waxay ahayd aroortii hore, oo iyagu ma ay gelin guriga taliyaha si aanay u nijaasoobin, laakiinse inay cashadii Iidda Kormaridda wax ka cunaan. 29 Bilaatos haddaba ayaa u soo baxay iyagii oo ku yidhi, Maxaad ku ashtakaynaysaan ninkan? 30 Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Ninkanu haddaanu ahayn xumaanfale, kuuma aannu soo gacangelinneen. 31 Haddaba Bilaatos wuxuu ku yidhi, Idinku qaata, oo sharcigiinna ku xukuma. Yuhuuddu waxay ku yidhaahdeen, Xalaal nooma aha inaannu nin dillo, 32 inuu ahaado hadalkii Ciise ku hadlay kolkuu sheegay siduu u dhiman doono.

33 Bilaatos haddaba guriga taliyaha ayuu mar kale galay oo Ciise u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, Adigu ma waxaad tahay Boqorka Yuhuudda? 34 Ciise ayaa ugu jawaabay, Ma adaa iska odhanaya waxaas, mise kuwa kalaa iiga kaa sheegay? 35 Bilaatos ayaa ugu jawaabay, Ma Yuhuudi baan ahay? Quruuntaadii iyo wadaaddadii sare ayaa ii soo kaa gacangeliyeye. Maxaad samaysay? 36 Ciise ayaa ugu jawaabay, Boqortooyadaydu tan dunidan ma aha. Haddii boqortooyadaydu tan dunidan tahay, midiidinyadaydu waa ii diriri lahaayeen inaan Yuhuudda la ii gacangelin. Imminkase boqortooyadaydu tan halkan ma aha. 37 Sidaa daraaddeed Bilaatos ayaa ku yidhi, Haddaba ma boqor baad tahay? Ciise ayaa ugu jawaabay, Waad tidhaahdaa inaan boqor ahay. Taas ayaan u dhashay, oo taas ayaan dunida u imid, inaan marag u furo runta. Mid kasta oo kan runta ah wuu maqlaa codkayga. 38 Bilaatos ayaa ku yidhi, Waa maxay runtu?

Oo markuu sidaa ku yidhi, mar kale ayuu Yuhuudda u baxay oo ku yidhi, Eedna isagii kuma aan helin. 39 Laakiin waxaad leedihiin caado inaan mid idiin sii daayo Iidda Kormaridda. Haddaba ma doonaysaan inaan idiin sii daayo Boqorkii Yuhuudda? 40 Kolkaasay dhammaan mar kale qayliyeen iyagoo leh, Ninkan ma aha, laakiin Baraabbas. Baraabbas wuxuu ahaa waxdhace.

Bilaatos Wuxuu Yeelay Sidii Ay Yuhuuddu Doonayeen(B)

19 Markaasaa Bilaatos haddaba Ciise watay oo karbaashay, askartiina taaj ayay qodxan uga taxeen, oo madaxiisay saareen, oo waxay u geliyeen dhar guduudan. Markaasay u yimaadeen oo ku yidhaahdeen, Nabad Boqorka Yuhuuddow, wayna dharbaaxeen. Bilaatos haddana dibadduu u baxay oo ku yidhi iyaga, Eega, isagaan idiin soo bixinayaa inaad ogaataan inaanan eed ku helin. Ciise haddaba ayaa dibadda u soo baxay isagoo sita taajkii qodxanta ahaa iyo dharkii guduudnaa, oo Bilaatos ayaa ku yidhi iyaga, Bal eega ninka. Sidaa daraaddeed markii wadaaddadii sare iyo saraakiishii arkeen, ayay qayliyeen iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob. Bilaatos ayaa ku yidhi, Idinku wata, oo iskutallaabta ku qodba, waayo, anigu eed kuma aan heline. Yuhuuddii ayaa ugu jawaabtay, Sharci baannu leennahay, sharcigaas xaggiisana waa inuu dhinto, waayo, wuxuu iska dhigay Wiilka Ilaah.

Haddaba Bilaatos markuu hadalkaas maqlay, aad buu u sii baqay, oo haddana wuxuu galay guriga taliyaha oo ku yidhi Ciise, Xaggee baad ka timid? Laakiin Ciise jawaabna uma uu celinin. 10 Sidaa daraaddeed Bilaatos ayaa ku yidhi, Miyaanad ila hadlayn? Miyaanad ogayn inaan leeyahay amar aan kugu sii daayo iyo amar aan iskutallaabta kugu qodbo? 11 Ciise ayaa ugu jawaabay, Amarna iguma aad lahaateen haddaan xagga sare lagaa siin. Sidaa daraaddeed kii ii soo kaa gacangeliyey ayaa kaa dembi weyn. 12 Taas dabadeed Bilaatos wuxuu doonayay inuu sii daayo, laakiin Yuhuuddii ayaa qaylisay iyagoo leh, Haddaad ninkan sii daysid, Kaysar saaxiibkiis ma ihid. Nin kasta oo boqor iska dhigaba, wuxuu ku caasiyaa Kaysar. 13 Haddaba Bilaatos markuu hadalladaas maqlay, ayuu Ciise dibadda u soo saaray, oo wuxuu ku fadhiistay kursiga xukumaadda, meesha la yidhaahdo Sallaxa Dhagaxa ah oo af Cibraanigana lagu yidhaahdo Gabbata.

14 Haddaba waxay ahayd Maalintii Diyaargarayskii Kormaridda, abbaaraha saacaddii lixaad. Oo wuxuu Yuhuudda ku yidhi, Bal eega boqorkiinna. 15 Sidaa daraaddeed waxay ku qayliyeen, Kaxee, kaxee, iskutallaabta ku qodob. Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Boqorkiinna miyaan iskutallaabta ku qodbaa? Wadaaddadii sare ayaa ugu jawaabay, Boqor ma lihin Kaysar maahee.

Ciise Waa Lagu Qodbay Iskutallaabta(C)

16 Markaasuu haddaba u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.