Add parallel Print Page Options

Maahmaahyadii Kale Ee Sulaymaan

25 Oo weliba kuwanuna waa maahmaahyadii Sulaymaan,
Oo boqorkii Yahuudah oo Xisqiyaah ahaa raggiisii ay soo guuriyeen.
Waa u ammaan Ilaah inuu xaal qariyo,
Laakiinse waa u ammaan boqorrada inay xaal baadhaan.
Sida samadu u sarrayso, oo dhulkuna u gun dheer yahay,
Ayaan qalbiga boqorrada loo baadhi karin.
Lacagta wasakhda ka qaad,
Oo dabadeedna waxaa lacagshubaha uga soo bixi doona weel.
Boqorka hortiisa kuwa sharka leh ka fogee,
Oo carshigiisuna xaqnimuu ku taagnaan doonaa.
Ha isweynweynayn boqorka hortiisa,
Oo kuwa waaweyn meeshoodana ha istaagin.
Amiirkii aad indhahaaga ku aragtay
Intii hortiisa lagu hoosaysiin lahaa,
Waxaa kuu wanaagsan iyadoo lagu yidhaahdo, Halkan sare kaalay.
Dirir degdeg ha ugu bixin,
Waaba intaasoo aad ugu dambaysta garan weydaa waxaad samayn lahayd,
Markii uu deriskaagu ku ceebeeyey dabadeed.
Dacwadaada deriskaaga kala dood,
Laakiinse mid kale xaalkiisa qarsoon ha sheegin,
10 Waaba intaas oo uu ku caayaa kii maqlaa,
Oo aanay ceebtaadu kaa hadhin.
11 Hadalkii si hagaagsan loogu hadlaa
Wuxuu la mid yahay tufaaxyo dahab ah oo lagu dhex sameeyey taswiiro lacag ah.
12 Kii caqli leh oo wax canaantaa wuxuu dhegta wax maqasha oo addeecda ula mid yahay
Hilqado dahab ah iyo wax laysku sharraxo oo dahab saafiya ah.
13 Wargeeyihii aamin ahu wuxuu kuwii isaga soo diray ula mid yahay
Qabowga barafka cad oo wakhtiga beergooyska,
Waayo, isagu wuxuu qabowjiyaa nafta sayidyadiisa.
14 Ku alla kii hadiyad been ah isku faaniyaa
Wuxuu la mid yahay daruuro iyo dabayl aan roob lahayn.
15 Waxaa xaakin wax lagu oggolaysiiyaa dulqaadasho badan,
Carrab macaanuna laftuu jebiyaa.
16 Malab ma heshay? In kugu filan oo keliya ka cun,
Waaba intaas oo intaad ka dheregto aad soo hunqaacdaaye.
17 Cagtaadu ha ku yaraato guriga deriskaaga,
Waaba intaasoo uu kaa daalaa oo uu ku necbaadaaye.
18 Ninkii deriskiisa marag been ah ku furaa
Waa sida budh iyo seef iyo fallaadh af badan oo kale.
19 In wakhtiga dhibaatada nin aaminlaawe ah laysku halleeyo
Waa sida ilig jaban iyo cag murkacatay oo kale.
20 Kii qalbi murugaysan u gabyaa
Waa sida mid maalin qabow huwiska iska qaada iyo sida khal soodhe lagu shubo oo kale.
21 Cadowgaagu hadduu gaajaysan yahay, wax uu cuno sii,
Hadduu harraadsan yahayna waraabi,
22 Waayo, dhuxulo dab ah ayaad madaxiisa ku tuuli doontaa,
Oo Rabbiguna waa kuu abaalgudi doonaa.
23 Dabaysha woqooyi roob bay keentaa,
Sidaas oo kale carrabkii xan badanna weji cadhaysan buu keenaa.
24 In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon
In guri weyn naag muran badan lala joogo.
25 Warkii wanaagsan oo dal fog ka yimaadaa
Waa sida biyo qabow ay naf harraadsan u yihiin oo kale.
26 Ninkii xaq ah ee kii shar leh isu dhiibaa
Waa sida durdur qasmay iyo sida il biyood oo wasakhowday oo kale.
27 In malab badan la cunaa ma wanaagsana,
Sidaas oo kalena in ammaan la doondoontaa ammaan ma aha.
28 Kii aan ruuxiisa u talin karinu
Waa sida magaalo duntay oo aan derbi lahayn oo kale.