Add parallel Print Page Options

MAAHMAAHYADII

Dulucda Kitaabka

Kuwanu waa maahmaahyadii Sulaymaan ina Daa'uud oo ahaa boqorkii reer Binu Israa'iil,
Wuxuu u qoray si loo ogaado xigmadda iyo edbinta,
Oo loo garto erayada waxgarashada,
In la helo edbinta ku saabsan xigmadda,
Iyo xaqnimada iyo garta iyo caaddilnimada;
Si miyir loo siiyo garaadlaawaha,
Oo aqoon iyo digtoonaanna loo yeelo ninka dhallinyarada ah.
Ninkii caqli lahu wuu maqli doonaa, oo wuxuu korodhsan doonaa waxbarasho,
Oo ninkii garaad lahuna wuxuu qabsan doonaa talada wanaagsan,
Si lagu garto maahmaahda, iyo micnaynta,
Iyo hadallada kuwa caqliga leh iyo xujooyinkooda.
Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa;
Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta.

Guubaabinta Xigmadda

Ka-digidda Soo Jiidashada Xun

Wiilkaygiiyow, edbinta aabbahaa maqal,
Oo amarka hooyadaana ha ka tegin,
Waayo, waxay madaxaaga u noqon doonaan wax sharraxsan,
Oo waxay kuu noqon doonaan silsilado qoorta kuu sudhan.
10 Wiilkaygiiyow, haddii dembilayaal ku sasabtaan,
Ha oggolaan.
11 Hadday kugu yidhaahdaan, Na soo raac,
Aan gaadno inaynu dhiig daadinno,
Oo aynu sababla'aan kuwa aan eedda lahayn si qarsoon ugu dhuumanno;
12 Oo iyagoo nool aynu u liqno sida qabriga oo kale,
Dhammaantoodna aan juq siinno sida kuwa yamayska ku dhaca;
13 Waxaynu heli doonnaa maal qaali ah oo cayn kasta ah,
Oo guryaheennana waxaynu ka buuxsan doonnaa booli;
14 Nasiibkaaga iskula kaaya soo dar,
Oo kulligeenna aynu kiishad qudha wada lahaanno;
15 Wiilkaygiiyow, iyaga jidka ha la marin;
Oo cagtaadana wadiiqadooda dib uga jooji;
16 Waayo, cagahoodu waxay u ordaan shar,
Oo waxay u degdegaan inay dhiig daadiyaan.
17 Waayo, waa waxtarla'aan dabinka loo dhigaa
Iyadoo ay shimbirtu u jeeddo;
18 Iyagu waxay u gaadaan si dhiiggooda loo daadiyo,
Oo waxay si qarsoon ugu dhuuntaan si naftooda looga qaado.
19 Sidaas oo kalay yihiin jidadka mid kasta oo faa'iido u hunguri weyn,
Oo nafta ka qaada kuwa leh.

Dhiirrigelinta Xigmad-Qaadashada

20 Xigmaddu aad bay uga qaylisaa jidka;
Oo codkeedana waxay kor uga qaaddaa bannaanka;
21 Waxay ka qaylisaa meesha suuqa ugu weyn;
Oo iridda magaalada laga soo galo
Ayay erayadeeda kaga hadashaa, iyadoo leh,
22 Kuwiinna garaadlaawayaasha ahow, ilaa goormaad garaadla'aanta sii jeclaanaysaan?
Oo kuwa wax quudhsadaana, ilaa goormay quudhsashadooda ku sii farxayaan?
Nacasyaduna, ilaa goormay aqoonta sii necbaanayaan?
23 Canaantayda u soo noqda;
Bal eega, anigu waxaan idinku shubi doonaa ruuxayga,
Oo waxaan idin ogeysiin doonaa erayadayda.
24 Anigu waan idiin yeedhay, laakiinse waad i diiddeen;
Oo anigu gacantaydaan soo fidiyey, oo ninnana dan kama yeelan;
25 Laakiinse idinku taladaydii oo dhan waad fududaysateen,
Oo canaantaydiina ma aydin doonaynin;
26 Sidaas daraaddeed aniguna waan idinku qosli doonaa markay belaayo idinku dhacdo;
Waanan idinku majaajiloon doonaa markay cabsiyu idinku soo degto;
27 Markay cabsidiinnu u timaado sida duufaan oo kale,
Oo belaayadiinnuna u timaado sida dabayl cirwareen ah;
Oo dhibaato iyo cidhiidhi idinku yimaadaan.
28 Markaasay ii yeedhan doonaan, laakiinse anigu uma aan jawaabi doono;
Oo horay ii doondooni doonaan, laakiinse ima ay heli doonaan;
29 Waayo, waxay nebcaadeen aqoonta,
Oo Rabbiga ka cabsashadiisana ma ay dooran;
30 Iyagu taladaydii innaba ma ay doonaynin;
Oo canaantaydii oo dhanna way quudhsadeen;
31 Haddaba iyagu waxay cuni doonaan midhihii jidkooda,
Oo waxay ka dhergi doonaan taladoodii.
32 Waayo, garaadlaawayaasha dibunoqoshadooda ayaa iyaga dili doonta,
Oo nacasyadana waxaa baabbi'in doonta barwaaqadooda.
33 Laakiinse ku alla kii aniga i maqlaa, ammaan buu u fadhiyi doonaa,
Wuuna xasilloonaan doonaa, isagoo aan shar ka cabsanaynin.