Add parallel Print Page Options

Dembigii Reer Binu Israa'iil Iyo Baarrinnimadii Addoonka

50 Rabbigu wuxuu leeyahay, Meeday warqaddii furniinka ee hooyadiin, oo aan ku eryay? Waase kuma kan ka mid ah kuwa daynka iga qaba oo aan idinka iibiyey? Bal eega, xumaatooyinkiina aawadood ayaa laydiin iibiyey, oo xadgudubyadiinna aawadood ayaa hooyadiin lagu furay. Haddaba markaan imid, muxuu ninna u jirin? Oo markaan dhawaaqayse maxaa la iigu jawaabi waayay? Miyaa innaba gacantaydu gaaban tahay si ayan wax u furan karin? Amase miyaanan lahayn xoog aan wax ku samatabbixiyo? Bal eega, canaantayda ayaan badda ku engejiyaa, oo webiyaashana cidlo baan ka dhigaa. Kalluunkoodu biyola'aan aawadeed buu la soo uraa, oo oon buu u dhintaa. Samooyinka madow baan huwiyaa, oo dhar joonyad ah ayaan go' uga dhigaa.

Sayidka Rabbiga ah ayaa afka kuwa wax bartay i siiyey inaan ogaado si aan hadal ugu taageero kan daallan. Subax kastuu i toosiyaa, subax walbana dhegtayduu u toosiyaa inaan wax u maqlo sida kuwa wax bartay. Sayidka Rabbiga ah ayaa dhegtayda furay, oo aniguna ma aan caasiyoobin, oo dibna ugama aan noqon. Kuwii i karbaashay ayaan dhabarkaygii u duway, oo kuwii timaha iga rifayna dhabannadaydaan u duway. Wejigaygiina ceeb iyo candhuuf toona kama aan qarin. Waayo, waxaa i caawin doona Sayidka Rabbiga ah, oo sidaas daraaddeed ma aan sharafjabin, oo sidaas daraaddeed ayaan wejigaygii uga dhigay sidii dhagaxmadow oo kale, oo waxaan ogahay inaanan ceeboobi doonin. Ka xaq iga dhiga wuu dhow yahay, bal yaa ila diriraya? Aannu isla wada istaagno. Waa kuma kan cadowgayga ahu? Ha ii soo dhowaado. Bal eega, Sayidka Rabbiga ah ayaa i caawinaya, haddaba waa kuma kan i xukumi doonaa? Bal ogaada, iyagu dhammaantood sida dhar duugoobay bay u gaboobi doonaan, oo kulligood aboor baa cuni doona.

10 Bal yaa idinka mid ah oo Rabbiga ka cabsada, oo codka addoonkiisa addeeca? Kan gudcurka ku dhex socda, oo aan iftiin lahaynu magaca Rabbiga ha aamino, oo Ilaahiisa ha isku halleeyo. 11 Kuwiinna dabka shida, oo ololka isku hareereeya oo dhammow, iftiinka dabkiinna iyo ololka aad shidateen ku socda. Waxaas gacantaydaad ka heli doontaan, oo waxaad ku jiifsan doontaan tiiraanyo.

Israel’s Sin and the Servant’s Obedience

50 This is what the Lord says:

“Where is your mother’s certificate of divorce(A)
    with which I sent her away?
Or to which of my creditors
    did I sell(B) you?
Because of your sins(C) you were sold;(D)
    because of your transgressions your mother was sent away.
When I came, why was there no one?
    When I called, why was there no one to answer?(E)
Was my arm too short(F) to deliver you?
    Do I lack the strength(G) to rescue you?
By a mere rebuke(H) I dry up the sea,(I)
    I turn rivers into a desert;(J)
their fish rot for lack of water
    and die of thirst.
I clothe the heavens with darkness(K)
    and make sackcloth(L) its covering.”

The Sovereign Lord(M) has given me a well-instructed tongue,(N)
    to know the word that sustains the weary.(O)
He wakens me morning by morning,(P)
    wakens my ear to listen like one being instructed.(Q)
The Sovereign Lord(R) has opened my ears;(S)
    I have not been rebellious,(T)
    I have not turned away.
I offered my back to those who beat(U) me,
    my cheeks to those who pulled out my beard;(V)
I did not hide my face
    from mocking and spitting.(W)
Because the Sovereign Lord(X) helps(Y) me,
    I will not be disgraced.
Therefore have I set my face like flint,(Z)
    and I know I will not be put to shame.(AA)
He who vindicates(AB) me is near.(AC)
    Who then will bring charges against me?(AD)
    Let us face each other!(AE)
Who is my accuser?
    Let him confront me!
It is the Sovereign Lord(AF) who helps(AG) me.
    Who will condemn(AH) me?
They will all wear out like a garment;
    the moths(AI) will eat them up.

10 Who among you fears(AJ) the Lord
    and obeys(AK) the word of his servant?(AL)
Let the one who walks in the dark,
    who has no light,(AM)
trust(AN) in the name of the Lord
    and rely on their God.
11 But now, all you who light fires
    and provide yourselves with flaming torches,(AO)
go, walk in the light of your fires(AP)
    and of the torches you have set ablaze.
This is what you shall receive from my hand:(AQ)
    You will lie down in torment.(AR)