Add parallel Print Page Options

Gacaliyaha Hadlayaa

Taan jeclahayay, bal eeg, adigu waad qurxoon tahay, bal eeg, waad qurxoon tahay,
Oo waxaad leedahay indhaha qoolleyda oo kale oo indhashareertaada ku qarsoon.
Timahaaguna waa sida riyo
Buur Gilecaad ka muuqda.
Ilkahaaguna waa sida laxo loo xiiray,
Oo ka soo baxay meeshii lagu soo maydhay,
Oo middood kastaaba mataano dhashay,
Oo aan dhexdooda lagu arag mid dhicisay.
Bushimahaagu waa sida dun guduudan,
Oo afkaaguna waa qurxoon yahay,
Oo dhafoorradaada indhashareertaada ku qarsoonuna waa sida xabbad rummaan ah jeexeed.
Qoortaaduna waa sida munaaraddii Daa'uud oo loo dhisay inay ahaato meel hubka dagaalka la dhigto,
Oo ay sudhan yihiin kun gaashaan,
Oo ah gaashaammadii ragga xoogga badan oo dhan.
Oo labadaada naasna waa sida laba gibin oo mataano ah oo cawl dhashay.
Oo ubaxshooshannada dhexdooda daaqaya.
Ilaa waagu baryo, oo hoosku baabbo'o,
Waxaan u kici doonaa buurta malmalka,
Iyo kurta fooxa.
Taan jeclahayay, adigu waad qurxoon tahay,
Oo innaba iin ma lihid.
Aroosaddaydiiyey, Buur Lubnaan iga soo raac,
Oo kaalay, Buur Lubnaan iga soo raac.
Buur Amaanaah dhaladeeda wax ka fiiri,
Oo Buur Seniir iyo Buur Xermoon dhaladooda wax ka fiiri,
Oo wax ka soo fiiri boholaha libaaxyada,
Iyo buuraha shabeelladaba.
Walaashayay, aroosaddaydiiyey, qalbigaygii waad la tagtay,
Oo waxaad qalbigayga kula tagtay daymooyinka indhahaaga middood
Iyo laasimmada qoortaada midkood.
10 Walaashayay, aroosaddaydiiyey, jacaylkaagu qurux badanaa!
Oo jacaylkaagu intee buu khamri ka sii fiican yahay!
Oo saliiddaada carafteeduna way ka fiican tahay dhirta udgoon oo dhan.
11 Aroosaddaydiiyey, bushimahaaga malab baa ka soo tiftifqaya,
Oo carrabkaaga hoostiisana malab iyo caanaa ku jira.
Oo dharkaaga caraftiisuna waa sida carafta Buur Lubnaan.
12 Walaashayay, aroosaddaydiiyey, waxaad tahay sida beer la xidhay,
Iyo ilbiyood la awday, iyo durdur la xidhay.
13 Dhirtaadu waa beer ay ku dhex yaalliin rummaan, iyo dhir kale oo midho aad u wanaagsan,
Iyo xinne iyo naaradiin,
14 Naaradiin iyo huruud,
Iyo kalamus iyo qorfe, iyo dhir kasta oo foox dhasha,
Iyo malmal iyo cuud iyo dhir udgoon oo fiican oo dhan.
15 Waxaad tahay ilbiyood beero waraabisa,
Iyo ceel biyo nool leh,
Iyo durdurro Buur Lubnaan ka soo qulqulaya.

Gacalisada Hadlaysaa

16 Dabaysha woqooyay, soo kac, oo tan koonfureeday, kaalay,
Oo beertayda necaw ku afuufa si ay dhirteeda udgoonu uga soo carfaan,
Gacaliyahaygu beertiisa ha soo galo oo midhaheeda wacan ha cuno.