Add parallel Print Page Options

37 Oo weliba taas aawadeed qalbigaygu wuu gariiraa,
Oo meeshiisiina wuu ka dhaqaaqaa.
Haddaba dhegaysta qaylada codkiisa
Iyo sanqadha afkiisa ka baxaysa.
Wuxuu taas u diraa inta samada ka hoosaysa oo dhan,
Oo hillaaciisana wuxuu u diraa dhulka darfihiisa oo dhan.
Dabadiisna wax baa aad uga sanqadha,
Isagu wuxuu ku onkodaa haybaddiisa codkeeda;
Oo markii codkiisa la maqlona iyaga ma uu joojiyo.
Ilaah si yaab ah ayuu codkiisa ugu onkodaa,
Oo wuxuu sameeyaa waxyaalo waaweyn oo aynan garan karin.
Waayo, wuxuu barafka cad ku yidhaahdaa, Dhulka ku da';
Oo sidaasoo kaluu ku yidhaahdaa roobka yar
Iyo roobkiisa weynba.
Isagu wuxuu shaabadeeyaa nin kasta gacantiisa,
In nin kasta oo uu sameeyeyba ogaado.
Markaasaa bahalladu hogag galaan,
Oo waxay iska joogaan boholahooda.
Koonfurta waxaa ka soo baxa duufaanka,
Oo qabowguna wuxuu ka yimaadaa woqooyiga.
10 Barafku wuxuu ku yimaadaa Ilaah neeftiisa,
Oo biyaha ballaadhanuna way barafoobaan.
11 Daruurta qarada weyn ayuu ka buuxiyaa qoyaan,
Oo wuxuu kala firdhiyaa daruurta hillaaciisa,
12 Oo waxaa lagu soo wareejiyaa hoggaamintiisa,
Inay sameeyaan wax alla wixii uu kugu amro
Dunida la dego dusheeda oo dhan,
13 Hadday tahay hagaajin aawadeed, ama dalkiisa aawadiis,
Ama naxariis aawadeed, kolleyba wuxuu ka dhigay inay kuwaasu noqdaan.
14 Ayuubow, bal tan dhegayso,
Istaag oo bal ka fiirso shuqullada Ilaah oo yaabka miidhan ah.
15 War miyaad taqaan siduu iyaga u amro,
Iyo siduu hillaaca daruurtiisa u iftiimiyo?
16 Miyaad taqaan miisaaminta daruuraha,
Amase kan aqoontu kaamilka ku tahay shuqulladiisa yaabka leh?
17 Miyaad taqaan wuxuu dharkaagu u kulul yahay,
Markuu Ilaah dhulka ku xasilliyo dabaysha koonfureed?
18 Miyaad isaga la kala bixin kartaa cirka
U xoogga badan sidii muraayad la shubay?
19 Na bar wixii aan isaga ku odhan lahayn,
Waayo, annagu hadalkayagii waxaannu la odhan kari waynay gudcur aawadiis.
20 Isaga ma loo sheegi doonaa inaan hadli doono?
Ninse miyuu jecel yahay in isaga la liqo?
21 Oo hadda dadku ma fiirin karo iftiinka cirka ka dhalaalaya,
Laakiinse dabayshu waa soo gudubtaa, oo iyagay safaysaa.
22 Woqooyi waxaa ka soo baxa iftiin sida dahab u dhalaalaya,
Ilaahna wuxuu leeyahay haybad cabsi badan.
23 Annagu ma heli karno Ilaaha Qaadirka ah, waayo, isagu wuu xoog badan yahay;
Oo isagoo garsoorid iyo caddaalad ka buuxa ninna ma uu dhibi doono.
24 Sidaas daraaddeed dadku isagay ka cabsadaan;
Oo isagu ma uu fiiriyo kuwa qalbigooda xigmaddu ka buuxdo.