Add parallel Print Page Options

10 Naftaydu noloshadayday la daallan tahay,
Oo joojinla'aan waan ku sii caban doonaa,
Oo qadhaadhka naftayda waan ku hadli doonaa.
Waxaan Ilaah ku odhan doonaa, Ha i xukumine.
Bal waxaad i tustaa waxa aad aawadood iila diriraysid.
Bal miyey kuu wanaagsan tahay inaad cidhiidhisid
Oo aad quudhsatid shuqulkii gacantaada,
Oo haddana aad iftiimisid kuwa sharka ah taladooda?
Ma waxaad leedahay indho binu-aadmi,
Mase sida dadkaad wax u aragtaa?
Wakhtigaagu ma sida wakhtiga dadkoo kalaa?
Cimrigaaguse ma sida cimriga dadkoo kalaa?
Oo bal ma sidaas daraaddeed baad xumaantayda u daba joogtaa,
Oo aad dembigayga u baadhaysaa,
In kastoo aad ogtahay inaanan sharrow ahayn,
Oo uusan jirin mid gacantaada iga samatabbixinaya?
Gacmahaaga ayaa i qabanqaabiyey oo i dhisay dhammaantay,
Laakiin haddana intaad igu soo jeesato ayaad i duminaysaa.
Bal xusuuso waan ku baryayaaye inaad ii dhoobtay sidii wax dhoobo laga sameeyey,
Haddaba ma boodhkaad dib iigu celinaysaa?
10 War sow sidii caano iima aadan daadin,
Oo sidii gadhoodh oo kale sow iigama aadan dhigin?
11 Waxaad i huwisay harag iyo hilib,
Oo waxaad dhammaantay igu dhistay lafo iyo seedo.
12 Waxaad i siisay nolol iyo raallinimo,
Oo booqashadaadiina waxay xannaanaysay ruuxayga.
13 Laakiin waxyaalahaas qalbigaaga waad ku qarisay;
Oo waan ogahay in taasu ay kugu jirto.
14 Haddaan dembaabo waad iska kay fiirsataa,
Oo ma aad caddaysid inaan dembi la'ahay.
15 Haddaan sharrow ahay, anaa iska hoogay,
Oo haddaan xaq ahayna, innaba madaxayga kor u qaadi maayo
Anigoo ceeb ka buuxa
Oo dhibaatadayda fiirinaya.
16 Oo haddii madaxaygu kor isu qaadona, waxaad ii ugaadhsataa sida libaax oo kale,
Oo haddana wax laga yaabo ayaad igu samaysaa.
17 Waxaad ii keensataa markhaatiyaal cusub,
Oo dhirifkaagana waad igu sii kordhisaa,
Oo hadba waxaad igu soo daysaa col iyo belaayo isu kay bedbeddela.
18 Bal maxaad iiga soo bixisay uurkii hooyaday?
Waxaa wanaagsanaan lahayd in naftu iga baxdo iyadoo aan iluna i arag!
19 Waxaa igu habboonaan lahayd inaan ahaado sidii wax aan jirin,
Oo waxaa ii roonaan lahayd in qabriga la ii qaado isla markii aan uurka hooyaday ka soo baxay.
20 War cimriga noloshaydu sow wax yar ma aha? Haddaba iska kay daa
Oo i dhaaf, aan in yar nastee,
21 Intaanan tegin meesha aanan ka soo noqonayn,
Oo ah dalka gudcur iyo hooska dhimashada,
22 Kaasoo ah gudcur qaro weyn oo ah sida mugdi dam ah,
Dalkaas oo ah hooska dhimashada, oo aan innaba nidaam lahayn,
Halkaas oo iftiinku yahay sida mugdi oo kale.