Add parallel Print Page Options

34 Oo weliba Eliihuu wuu jawaabay oo wuxuu yidhi,
Raggiinna xigmadda lahow, erayadayda maqla;
Oo kuwiinna aqoonta lahow, i dhegaysta.
Waayo, dhegtu waxay hadalka u kala soocdaa
Sida dhabxanaggu cuntada u dhedhemiyo oo kale.
Aynu dooranno waxa qumman,
Oo aynu dhexdeenna ka ogaanno waxa wanaagsan.
Waayo, Ayuub wuxuu yidhi, Anigu xaq baan ahay,
Laakiinse Ilaah baa gartaydii ii diiday.
Oo in kastoo aan xaq ahay haddana waxaa laygu tiriyey inaan beenlow ahay;
Oo in kastoo aanan xadgudub lahayn, haddana nabarkaygu waa mid aan bogsan karin.
Ninkee baa Ayuub la mid ah,
Oo quudhsashada u cabba sida biyaha oo kale,
kaasoo raaca kuwa xumaanta ka shaqeeya,
Oo dadka sharka ah la socda?
Waayo, isagu wuxuu yidhi, Ninna wax uma tarto
Inuu Ilaah ku farxo.
10 Haddaba sidaas daraaddeed i dhegaysta, raggiinna waxgaradka ahow;
Ilaah inuu xaqdarro sameeyo way ka fog tahay;
Oo Ilaaha Qaadirka ahna inuu xumaan falo way ka fog tahay.
11 Waayo, nin walba shuqulkiisuu ka abaalmariyaa,
Oo nin kastana siduu socodkiisu ahaa ayuu ugu abaalgudaa.
12 Laakiinse hubaal Ilaah xaqdarro ma uu samayn doono,
Oo Kan Qaadirka ahuna garta ma uu qalloocin doono.
13 Bal yaa isaga ku amray inuu dhulka u taliyo?
Yaase isaga dusha ka saaray dunida oo dhan?
14 Hadduu keligiis iska fikiri lahaa,
Oo uu ruuxiisa iyo neeftiisa soo urursan lahaa,
15 Dadka oo dhammu waa wada baabbi'i lahaa,
Oo binu-aadmiguna ciidduu ku noqon lahaa.
16 Haddaba haddaad waxgarad tahay, waxan maqal;
Oo erayadayda codkooda dhegayso.
17 War mid xaqnimada neceb miyuu wax u talinayaa?
Oo ma waxaad xukumaysaa midka xaqa ah oo xoogga badan?
18 Ma waxaa boqor lagu yidhaahdaa, Shar baad tahay?
Amase kuwa gobta ah, Cibaadalaawayaal baad tihiin?
19 Haddaba ma saasaad ku odhan lahayd kan aan amiirrada u eexan,
Ama aan taajirka uga roonayn kan miskiinka ah?
Waayo, iyagu dhammaantood waa shuqulkii gacmihiisu sameeyeen.
20 Iyagu daqiiqad bay ku dhintaan,
Dadku habeenbadhkiiba way gariiraan oo naftaa ka baxda,
Kuwa xoogga badanuna way libdhaan iyadoo aan gacanna la saarin.
21 Waayo, indhihiisu waxay fiiriyaan jidadka binu-aadmiga,
Wuxuuna wada arkaa socodkiisa oo dhan.
22 Ma jiro gudcur ama hoosdhimasho toona
Oo ay kuwa xumaanta sameeyaa ku dhuuntaan.
23 Waayo, isagu uma baahna inuu in kale binu-aadmiga ka sii fikiro,
Inuu isagu Ilaah hortiisa garsoorid u tago.
24 Ragga xoogga badan ayuu u kala jejebiyaa siyaalo aan la baadhi karin,
Oo meeshoodiina kuwa kaluu ka kiciyaa.
25 Maxaa yeelay, isagu shuqulladooda wuu yaqaan;
Oo habeennimuu afgembiyaa si ay u burburaan.
26 Sharkooda daraaddiis ayuu iyaga wax ku dhuftaa,
Iyagoo dadka kale u jeedo,
27 Maxaa yeelay, lasocodkiisii way ka leexdeen,
Oo waxay diideen inay jidadkiisa midnaba ka fikiraan.
28 Sidaasay qaylada masaakiinta isaga soo gaadhsiiyeen,
Oo isna qaylada kuwa dhibaataysan ayuu maqlay.
29 Haddii quruun lagu sameeyo iyo haddii qof lagu sameeyaba,
Markuu nasiyo yaa belaayo kicin kara?
Oo markuu wejigiisa qariyana bal yaa isaga fiirin kara?
30 Inaan cibaadalaawe boqornimada qabsan,
Si uusan u jirin mid dadka shirqool u dhiga.
31 Waayo, ninna miyuu Ilaah ku yidhi,
Anigu edbintii waan qaatay, oo mar dambe ninna xumayn maayo,
32 Haddaba waxaanan u jeedin i bar,
Oo haddaan xumaan sameeyeyna mar dambe u noqon maayo?
33 Abaalgudkiisu ma wuxuu ahaan doonaa sidaad doonaysid, inaad diiddid aawadeed?
Waayo, waa inaad adigu doorataa, mana aha aniga;
Haddaba waxaad taqaanid ku hadal.
34 Nin kasta oo xigmad leh oo i maqla iyo dadka waxgaradka ahuba
Waxay igu odhan doonaan,
35 Ayuub aqoonla'aan buu ku hadlaa,
Oo hadalkiisana xigmadu kuma jirto.
36 Waxaan jeclaan lahaa in Ayuub tan iyo ugudambaysta la sii imtixaamo,
Maxaa yeelay, wuxuu u jawaabaa sida dadka sharka ah.
37 Waayo, dembigiisii wuxuu ku sii darsadaa caasinimo,
Oo dhexdeenna ayuu ka sacab tuntaa,
Erayadiisana wuxuu ku sii badiyaa Ilaah.

34 Then Elihu said:

“Hear my words, you wise men;
    listen to me,(A) you men of learning.
For the ear tests words
    as the tongue tastes food.(B)
Let us discern for ourselves what is right;(C)
    let us learn together what is good.(D)

“Job says, ‘I am innocent,(E)
    but God denies me justice.(F)
Although I am right,
    I am considered a liar;(G)
although I am guiltless,(H)
    his arrow inflicts an incurable wound.’(I)
Is there anyone like Job,
    who drinks scorn like water?(J)
He keeps company with evildoers;
    he associates with the wicked.(K)
For he says, ‘There is no profit
    in trying to please God.’(L)

10 “So listen to me,(M) you men of understanding.(N)
    Far be it from God to do evil,(O)
    from the Almighty to do wrong.(P)
11 He repays everyone for what they have done;(Q)
    he brings on them what their conduct deserves.(R)
12 It is unthinkable that God would do wrong,(S)
    that the Almighty would pervert justice.(T)
13 Who appointed(U) him over the earth?
    Who put him in charge of the whole world?(V)
14 If it were his intention
    and he withdrew his spirit[a](W) and breath,(X)
15 all humanity would perish(Y) together
    and mankind would return to the dust.(Z)

16 “If you have understanding,(AA) hear this;
    listen to what I say.(AB)
17 Can someone who hates justice govern?(AC)
    Will you condemn the just and mighty One?(AD)
18 Is he not the One who says to kings, ‘You are worthless,’
    and to nobles,(AE) ‘You are wicked,’(AF)
19 who shows no partiality(AG) to princes
    and does not favor the rich over the poor,(AH)
    for they are all the work of his hands?(AI)
20 They die in an instant, in the middle of the night;(AJ)
    the people are shaken and they pass away;
    the mighty are removed without human hand.(AK)

21 “His eyes are on the ways of mortals;(AL)
    he sees their every step.(AM)
22 There is no deep shadow,(AN) no utter darkness,(AO)
    where evildoers can hide.(AP)
23 God has no need to examine people further,(AQ)
    that they should come before him for judgment.(AR)
24 Without inquiry he shatters(AS) the mighty(AT)
    and sets up others in their place.(AU)
25 Because he takes note of their deeds,(AV)
    he overthrows them in the night(AW) and they are crushed.(AX)
26 He punishes them for their wickedness(AY)
    where everyone can see them,
27 because they turned from following him(AZ)
    and had no regard for any of his ways.(BA)
28 They caused the cry of the poor to come before him,
    so that he heard the cry of the needy.(BB)
29 But if he remains silent,(BC) who can condemn him?(BD)
    If he hides his face,(BE) who can see him?
Yet he is over individual and nation alike,(BF)
30     to keep the godless(BG) from ruling,(BH)
    from laying snares for the people.(BI)

31 “Suppose someone says to God,
    ‘I am guilty(BJ) but will offend no more.
32 Teach me what I cannot see;(BK)
    if I have done wrong, I will not do so again.’(BL)
33 Should God then reward you on your terms,
    when you refuse to repent?(BM)
You must decide, not I;
    so tell me what you know.

34 “Men of understanding declare,
    wise men who hear me say to me,
35 ‘Job speaks without knowledge;(BN)
    his words lack insight.’(BO)
36 Oh, that Job might be tested to the utmost
    for answering like a wicked man!(BP)
37 To his sin he adds rebellion;
    scornfully he claps his hands(BQ) among us
    and multiplies his words(BR) against God.”(BS)

Footnotes

  1. Job 34:14 Or Spirit